US: Fannaan Kanye oo isu soo sharraxaya doorashada m/weyne ee sannadkan

Maalintii shalay ayaa waxaa uu fannaanka weyn ee reer Mareykan Kanye West shaaciyay in uu isu soo taagayo daarashada madaxweyne ee dalka Mareykanka ee sannadkan 2020-ka.

Fannaankan ayaa warkan ku shaaciyay barahiisa bulshada ee twitter-ka iyo Instagram, waxaana uu sheegay in uu isu soo sharraxayado doorashada sannadkan, walow uusan shaacin xisbiga uu kasoo galayo doorashada.

Durba waxaa mowqifkiisa ku taageeray dad badan oo caan ah, waxaana ka mid ah milkiilaha shirkadda baabuurta ee Tesla ¬†Elon Musk, kaas oo qoraan ku yiri ” – Waxaad haysataa taageeradeyda oo buuxda”.

Sannadkii 2016 ayuu munaasabadda MTV Video Awards waxa uu ka sheegay fannaanka in uu isu soo taagi doono doorashada jagada madaxweynaha Mareykanka.

2018-kii ayaa waxaa uu sheegay xilli uu ku booqday xafiiskiisa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu ka fariistay siyaasadda islamarkaana uu taageerayo Trump.

Ma cadda in ay dhab ka tahay iyo in kale, balse waxaa horay u dhacday in isbitaal loo dhigay fannaanka xanuun dhanka maskaxda ah (waashay) oo uu iminka kasoo bogsooday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *