Hooyo iyo Aabe u dhashay dalkaasi Danmark ayaa isbuucii hore xabsi iyo ganaax lagu xukumay kadib markii ay diideen in ay magac u bixiyaan gabar saddex jir ah oo ay dhaleen.

Gabadhan yar oo iminka loo yaqaan «Pige Unavngivet» “Gabadha magac-laayda” ayay waalidkeed diideen in ay maraan hannaanka dowladda u dejisay magac-bixinta oo ah in ay soo maraan kaniisadda.

Dalka Danmarkaa ayaa waxaa arrimaha dhalashada, magac-bixinta iyo dhimashada qaabilsan kaniisadda, waana in shakhsi kasta oo arrimahaasi lasoo gudboonaado soo maraa halkaasi si diiwaanka dalka loo galiyo.

Waalidkan oo aan aaminsaneyn wax diin ah ayaa diiday in ay kaniisadda tagaan oo ay iska diiwaangeliyaan, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay meelo kale iska diiwaangeliyaan oo aanan lagu khasbin wax diin shaqo ku leh.

” – Waxaan aaminsannahay in ay khalad tahay in dalka Danmark ay khasab tahay in lasoo maro kaniisadda si ubadka magac loogu bixiyo. Waxaa la iska diiwaangelin karaa gobolka ama meelo kale islamarkaana meesha looga saaro arrimaha diinta”, ayay tiri hooyo Sabina Pultz.

Waalidkan ayaa lagu xukumay xabsi iyo ganaax lacageed oo 4000 oo lacagta danishka ah bil walba oo gabadhaasi ay magac la`aan tahay.

Racfaan ayay ka qaateen xukunkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*