US: Maamulka Miami Beach oo qaati ka taagan arday xaflado u ooman iyo bandow lagu soo rogay magaalada: SAWIRRO

Maalinkii labaad waxaa iska-hor-imaad uu dhex marayaa arday xaflado u ooman iyo booliska magaalada Miami Beach kadib markii gobolkaasi Florida laga qaaday xayiraadda cududrka coronavirus, ayna ku qul-qulayaan dalxiisayaasha xafladaha iyo damaashaadka jecel ee ka haajiraya gobollada kale ee Mareykanka kuwaas oo wali qaarkood ay saaran yihiin xayiraadaha ka dhashay COVID-19.

Guddoomiyaha gobolkaasi Florida Ron DeSantis ayaa u sheegay dalxiisayaasha damaashaadaya in ay soo gabo-gabeeyaan xafladaha ayna ku laabtaan guryohooda.

” – Haddii aad dooneysaan in aad gobolkaan ku dhaqleysaan, idiinma baahnin ee aada meelo kale”, ayuu yiri guddoomiye Ron DeSantis.

Maamulka gobolkaasi ayaa magaalada saaray bandow soconaya ilaa iyo 12 April, waxaana sidoo kale lasoo xoojiyay ciidamada la tacaalaya xaflad-u-oomanayaasha oo u baday arday fasax uga jira goobaha waxbarashada.

Isku-dhaca booliska iyo dadkan ayaa sababay in rasaas noocyo kala duwan la isku adeegsadi, dagaalo gacan-ka-hadal iyo in la bililiqeysto goobo ganacsi.

Gobolka Florida ayaa muddo bilo ka hor laga qaaday xayiraadda COVID-19, waxaana tan iyo markaasi ku qul-qulayay dadka jecel xafladaha iyo kuwa ka caajisay xayiraadaha coronavirus.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *