Iyadoo waqti yar uu ka dhiman yahay digniintii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay shirkadda Tiktok in uu ka mamnuucayo dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sherkaddaasi oo ay leedahay shirkadda Shiineyska ah ee ByteDance go`aansatay in ay ka iibiso Tiktok qeybta Mareykanka shirkadda Mareykanka ah ee Oracle.

Wali labadan shirkadood si caam ah ugama aysan cadlin heshiiskan ay wada gaareen, balse sida ay warbaahinta qaar ay qoreyso waxaa ay noqonayaan laba shirkadood oo wadaaga.

Tiktok ayaa leh in ka badan 800 oo milyan oo macaamiil ah, adduunka oo dhan.

Shirkadda Microsoft oo qeyb ka aheyd shirkadaha codsaday in ay iibsadaan Tiktok ayaa lagu wargeliyay in laga iibiyay shirkadda Oracle.

Trump ayaa horay ugu hanjabay in uu dalka Mareykanka ka mamnuucayo Tiktok haddii aysan iibsan shirkad Mareykan ah oo ay dowladdu kala xisaabtami karto ka hor 20. september.

Mareykanka ayaa ka walwalsan in macluumaadka muwaadiniinta Mareykaka ee adeegsada aaladdaasi ay ku dhacaan gacmo aan ammaan aheyn.

Tiktok ayaa qeyb ka noqotay loollanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*