Home Wararka Maanta Maxay tahay sababta Mareykanku u diiday in uu Israa’iil ku garabsiiyo aargoosi...

Maxay tahay sababta Mareykanku u diiday in uu Israa’iil ku garabsiiyo aargoosi ka dhan ah Iran?

0

Aqalka Cad ayaa uga digay Israa’iil in Mareykanku uusan ka qeyb qaadan doonin weerar kasta oo aargoosi ah oo ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen saraakiisha sare.

In ka badan 300 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo gantaallo ayaa lagu soo riday Israa’iil habeen hore, kuwaas oo Iran ay sheegtay in ay jawaab u ahayd weerar 1-dii April lagu weeraray qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya.

Ku dhawaad dhammaan hubka waxaa toogtay ciidamada Israa’iil, Mareykanka iyo xulafadooda ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Saraakiisha ayaa sheegay in Joe Biden uu ku booriyay Israa’iil inay uga fiirsato jawaabteeda “si taxadar leh”.

Isagoo la hadlayay warfidiyeenka Axaddii, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Biden uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “si taxadar leh oo xeeladaysan uga fikiro” sida ay ciidamadiisu uga jawaabayaan falkii aan horay loo arag, oo ah weerarkii ugu horreeyay ee toos ah oo ay Iiraan ku qaado dalkaas.

Sarkaalku waxa uu intaa ku daray in maamulka Biden uu aaminsan yahay in Israa’iil ay “si fiican u heshay” is-dhaafsiga, kaas oo bilaabmay markii taliyeyaal sare oo militariga Iran lagu dilay dhisme qunsuliyadda Iran ku leedahay Suuriya.

Ku dhawaad 99% gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada loo yaqaanno cruise-ka ee la riday intii lagu jiray hawlgalkii aargoosiga ahaa ee Iran ayaa la qabtay -taasi oo saraakiisha Maraykanku ay ku tilmaameen in ay calaamad u tahay in ay Israa’iil ka sarreyso Iran.

Diyaaradaha Mareykanka iyo maraakiibta badda ayaa soo riday tobanaan gantaal oo Iran laga leeyahay markii uu weerarku dhacay. In ka badan 80 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo ugu yaraan lix gantaal oo nooca ballistic-ga ah ayaa waxaa soo riday diyaaradaha iyo maraakiibta Maraykanka ama ciidamada difaaca cirka ee Ciraaq.

Wadahadal ayaa dhex maray Biden iyo Netanyahu xilli uu “mashaqo badan” ku jiray wax yar ka dib weerarka, oo ay ku jireen ilaa 100 gantaal oo ballistic ah oo isku mar u duulayay dhanka Israa’iil.

Intii lagu guda jiray wicitaanka, labada hoggaamiye waxay ka wadahadleen “sidii looga fikiri lahaa arrimaha”, iyadoo Mr Biden uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil “ay sameysay sida ugu wanaagsan”.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalku wuxuu diiday inuu sheego, in Aqalka Cad uu ka digay jawaab celin muhiim ah, isagoo sheegay oo kaliya “waa taxadar ay tahay inay Israa’iil sameeyaan”.

Muuqaalo is daba joog ah oo laga sii daayay shabakadaha Maraykanka subaxnimadii hore, afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa ku celceliyay in Maraykanku u caddeeyey Israa’iil in ay doonayso in ay ka fogaato isku dhac ballaaran.

Maamulka sare ayaa sheegay in fariin tan la mid ah loo diray Iran iyadoo loo marayo dariiqo diblomaasiyadeed.

Mr Kirby iyo sarkaalka ayaa labaduba sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono difaacidda Israa’iil, laakiin wuxuu meesha ka saaray in uu ka qayb qaadan doono wax jawaab ah oo ay Israa’iil bixiso.

Mawqifkan ayaa ah mid ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka iyo masuuliyiin hore oo ka tirsan labada dhinac ee siyaasadda.

Wakiilka Jamhuuriga Ohio Mike Turner, oo u shaqeeya gudoomiyaha guddiga sirdoonka ee Aqalka, ayaa sheegay in hadalada Mr Kirby ee ku saabsan dejinta colaadda ay “khalad tahay”.

“Marka horeba way ka sii daraysa xaaladdu, maamulkuna wuxuu u baahan yahay inuu ka jawaabo,” ayuu ku yiri NBC.

Sidoo kale John Bolton, oo ahaa la taliyaha amniga qaranka xilligii madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu ku biiro Israa’iil haddii ay doorato in ay weerarro aargoosi ah ku qaaddo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

“Waxay ila tahay in [Israa’iil] ay burburin karto ama baabi’in karto qayb aad u muhiim ah, haddaysan ahayn gebi ahaanba,” ayuu u sheegay NewsNation.

Kadib weerarkii Iran ay ku qaadday Israa’iil, Mike Johnson, oo ah afhayeenka aqalka wakiillada, ayaa sheegay in hay’addu “ay mar kale isku dayi doonto” in gargaar milatari ay u gudbiso Israa’iil.

Isku dayo hore oo gargaar dheeri ah loogu dirayay Israa’iil ayaa hakad ku yimid iyadoo ay jiraan baaqyo dimuqraadi ah oo ah in xirmada gargaarka ay sidoo kale ku jirto kaalmada Taiwan iyo Ukraine.

Previous articlePuntland oo Jawaab Adag ka Bixisay Fatwadii Shiikh Cali Wajiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here