Madaxweynihii waddanka Haiti Jovenel Moise ayaa waxaa xalay lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaal caasimadda Port-au-Prince, waxaa sidaas goordhow war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaas Claude Joseph.

R/wasaare Joseph ayaa sidoo kale sheegay in xaaska madaxweynaha oo dhaawac culus ah loo qaaday isbitaalka, islamarkaana uu hadda isaga hayo talada dalka.

Sida ay warbaahintu qoreysay abaarihii kowda habeenimo ee xalay ayaa waxaa weerar ku qaaday hoyga madaxweynaha koox hubeysan.