Home Wararka Caalamka Norway Oo Sharci Cusub Ku Mamnuucday Iibinta Gaaska Nitrous Oxide Ee Dhalinyarada...

Norway Oo Sharci Cusub Ku Mamnuucday Iibinta Gaaska Nitrous Oxide Ee Dhalinyarada Ka Yar 18 Sano

0

Oslo – Dowladda Norway ayaa dhaqan gelisay sharci cusub oo lagu adkeynayo xakamaynta gaaska nitrous oxide (laughing gas), si looga hortago in loo isticmaalo maandooriye ahaan.

Sida uu dhigayo sharciga cusub, laga bilaabo 1-da Luulyo 2026, waxaa mamnuuc ah in gaaska nitrous oxide laga iibiyo qof kasta oo ka yar 18 sano. Sidoo kale, waxaa sharci-darro ah in gaaskan loo iibiyo ama loo qaybiyo iyadoo loogu talagalay isticmaal maandooriye.

Sharcigu wuxuu sidoo kale xaddidayaa xaddiga gaaska ee hal qof oo isticmaale ah laga iibin karo maalintii, waxaana la mamnuucay in shakhsiyaad gaar ahi dibadda ka soo geliyaan Norway gaaska nitrous oxide.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in tallaabooyinkan looga golleeyahay ilaalinta caafimaadka dhalinyarada, maadaama isticmaalka gaaskan ee maandooriyaha ahaan uu sababi karo dhaawacyo halis ah oo soo gaara neerfayaasha, maskaxda iyo xubnaha kale ee jirka.

Mas’uuliyiintu waxay xuseen in gaaska nitrous oxide uu weli sharci ahaan loogu isticmaali karo ujeeddooyin caafimaad iyo warshado gaar ah, balse aan loo oggolaan doonin in loo adeegsado madadaalo ama maandooriye.