Allah ha u naxariistee waxaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Wardhiigley ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Aaden Shamuuri oo ka tirsanaa hoballada Waaberi.

Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxa uuna ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka Waabari oo caawa muqdisho ku geeriyooday.

Naxariistii Janno Allaha siiyo marxuum Maxamed Aadan Shamuuri oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”, ayuu yiri wasiirku.