In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyooday, 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaanka Shabeelow ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhexeeysay dadka deegaanka iyo Al-shabaab, balse Maanta ayuu dhacay  dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalku wuxuu bilowday Jimcihii ka dib markii malayshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah gobolka, ay isku dheceen dadka deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Bacaadweyn, oo saldhig u ah qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Wararka ugu dambeeyay ee caawa ee ka imaanaya deegaanka Shabeeloow ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, isla markaana aan la maqleyn rasaas dhaceysa.

Waxaa la tilmaamay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin meel banaanka ka ah deegaanka Shabeelow.

One Comment

  1. Pingback: Dagaal ku dhex maray deegaan ka tirsan gobolka Mudug maleeshiyada Shabaab iyo dad shacab ah - Ilo Wareed - | Ilo Wareed -

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*