Home Wararka Galmudug Dowlada Somaliya oo Dhuusamareeb ka wada kulamo ka dhan ah madaxweynaha Galmudug.

Dowlada Somaliya oo Dhuusamareeb ka wada kulamo ka dhan ah madaxweynaha Galmudug.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), oo Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb, ayaa halkaasi ka billaabay kulamo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee sii cakirmeysa.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada si weyn looga dareemayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo maalmihii u dambeeyay cirka isku shareeray.

General Kaniif ayaa shalay booqasho ku tagay xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, halkaasi oo uu kulan gaar ah kula yeeshay Taliyaha Qaybta 21-aad, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne), iyo saraakiisha sare ee taliska. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga magaalada Dhuusamareeb iyo sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga xarunta maamulka Galmudug.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Taliyaha Qaybta 21-aad uu Khamiistii si cad uga cudurdaartay qorshe la doonayay in ciidamada militarigu ay si toos ah ula wareegaan amniga magaalada, isagoo sheegay inuu amar ka helay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Korneyl Dhagaweyne ayaa ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu wajaho wadahadal iyo xal siyaasadeed, isagoo ka digay in militariga lagu lug yeesho arrimaha siyaasadda, taas oo uu sheegay inay halis gelin karto xasilloonida magaalada, wadajirka bulshada deegaanka iyo geeddi-socodka kala-guurka siyaasadeed ee Galmudug.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in General Kaniif, oo ay kulanka ku wehlinayeen saraakiil ka tirsan Booliska Federaalka iyo Hay’adda Nabad-sugidda Galmudug, ay codsadeen in marka hore laga wada shaqeeyo sidii xilka loogu wareejin lahaa Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, oo dhowaan Taliska Booliska Soomaaliyeed u magacaabay Taliyaha Booliska Galmudug.

Hase yeeshee, Madaxweyne Qoorqoor ayaa si adag uga horyimid magacaabistaasi, isagoo dib u soo magacaabay Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, oo muddooyinkii u dambeeyay hayay xilka Taliyaha Booliska Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in General Kaniif uu sidoo kale ku cadaadiyay Taliyaha Qaybta 21-aad inuu ciidamada militariga ka qeyb-geliyo sugidda amniga magaalada, gaar ahaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan deegaannada Galmudug bilaha June iyo July.

Villa Somalia ayaa walaac xooggan ka muujisay suuragalnimada in Madaxweyne Qoorqoor uu carqaladeeyo doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo loo muddeeyay 20-ka June iyo 2-da July, halka doorashada madaxtinnimada Galmudug la qorsheeyay 9-ka July.

Khilaafka ayaa salka ku haya damaca Madaxweyne Qoorqoor ee ah inuu mar kale ku soo laabto kursiga, halka Dowladda Federaalka ay taageersan tahay musharrax kale oo ay dooneyso inay ku beddesho.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa cabsi xooggan ku abuurtay shacabka magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ka baqaya in muranka siyaasadeed isu beddelo isku dhac amni.

Taliyaha Qaybta 21-aad, Korneyl Maxamed Dhagaweyne, ayaa weli u muuqda mid ku adkeysanaya dhexdhexaadnimo iyo in militariga laga fogeeyo loollanka siyaasadeed, inkastoo cadaadiska uga imaanaya Muqdisho uu sii xoogeysanayo.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay ku guuleysatay inay taageero ka hesho inta badan saraakiisha Booliska iyo Nabad-sugidda Galmudug, hase yeeshee caqabadda ugu weyn ee weli taagan ayaa ah mowqifka ciidamada militariga ee ku sugan Dhuusamareeb.

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda si dhow ugu jeeda Dhuusamareeb, halkaas oo saacadaha iyo maalmaha soo socda laga filayo go’aanno saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Galmudug.