Home Wararka Maanta Amniga Baydhabo oo La Adkeeyay Kahor Caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

Amniga Baydhabo oo La Adkeeyay Kahor Caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulkaas, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada iyo xarumaha muhiimka ah.

Xafladda caleemo-saarka oo lagu wado inay qabsoonto Isniinta, 6-da Luulyo, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, madax ka socota dowlad-goboleedyada iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo isugu jira saraakiil amni, ilaalada madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, ay gaareen Baydhabo si ay u diyaariyaan amniga iyo qabanqaabada booqashada madaxweynaha.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta gaartay Baydhabo iyadoo hoggaamineysa wafdi xildhibaanno ah. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sacdiyo Yaasiin ayaa ka mid noqon doonta masuuliyiinta dowladda federaalka ee ka qeyb geli doona munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, sidoo kale dadka tagy waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay.