Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga  Joe Biden ayaa ka hadlay “fadeexad” dhawaan soo shaac baxday taas oo ku kacay madaxweynaha iminka talada haya kaas oo ku tilmaamay ciidamo mareykan ah oo ku geeriyooday dagaalkii labaad ee adduunka kuwo naftooda ku qamaaray ama “loosers” ah.

Jaraa`idka afka dheex ee lagu magacaabo “The Atlantic” ayaa qoray warbixin uu kasoo xigtay ilo ku dhow-dhow madaxweynaha kuwaas oo sheegay in madaxweyne Trump hadalkaasi yiri.

“- Waligey ugama niyadjabin madaxweyne sida kan camal. Uma qalmo in uu madaxweyne ahaado”, ayuu yiri musharrax Joe Biden.

Trump ayaa hadalkan yiri sannadkii 2018 xilli uu booqasho ku joogay qabuuraha  Aisne-Marne ee ku yaala dalka Fransiiska halkaas oo ay ku duugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ku geeriyooday dagaalkii labaad ee adduunka.

“- Haddii ay warbixintan run tahay, waxaan u badinayaa in ay ayba runt tahaye sababo la xiriira hadallo kale oo madaxweynaha laga hayo, waxaa ay tani ku noqoneysaa fadeexad weyn”, ayuu hadalkiisa raaciyay Biden.

Si kastaba madaxweyne Trumo ayaa dhankiisa si caro leh uga hadlay warbixintan cusub ee lagu fadeexeyayo, waxaana uu iska fogeeyay in uu hadalkaasi yiri.

” – Warkani, sida caadada ahba waxa uu ka mid yahay wararka la igu doonayo in khadka doorashada la iiga saaro, laakiin shacabka Mareykanka waa ay ka caqli badan yihiin sida la moodo”, ayuu yiri madaxweyne Trump.

Qoraal uu ku weerarayo jaraa`idka warbixintan daabacay aayuu soo dhigay bartoosa twitter-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*