Dalkaasi Danmark waxaa maanta ka dacay fal baxsi oo fashilmay kaas oo uu sameeyay dilaaga xabsi-daa`inka lagu xukumay ee lagu magacaabo Peter Madsen.

Ninkan ayaa sannadkii 2017 waxaa uu dil fool xun oo uu jirkeeda ku jarjaray ugu geystay gudaha doon gujis ah (kuwa quusa) oo uu gacantiisa ku sameystay saxafiyad Kim Wall oo u dhalatay dalkaasi swedan taas oo damacsaneyd in ay warbixin ka sameyso ninkan iyo doontiisa.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay ka hor in uusan dilin.

Meydka gabadhan ayaa waxaa muddo kadib malaga helay badda hoosteeda isaga oo bir culus ku xiran yanay islamarkaana gacmo, lugo iyo qoor aan laheyn.

Wali ma cadda qaabka uu uga soo baxsaday xabsiga iyo cidda u fududeysay, balse wararka ayaa sheegaya in uu watay kastoolad macmal ah iyo suunka qaraxa oo macmal ah.

Shan mirir ayaa la sheegay in uu bannaanka joogay ka hor inta aan dib loo qaban.

Booliska gaarka ah oo ninkan soo qabtay ayaa waxaa ay sidoo kale qabteen nin uu isku dayay Madsen in uu raaco gaarigiisa kaas oo lagu sheegay in uu ajnabi yahay.

Sannadkii 2018 ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa`in.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*