Khasaare naf iyo maal isugu jira ayaa laga soo sheegayaa in uu ka dhashay weerar toogasho iyo qarax oo maanta degmada Kaxda loogu geystay masuuliyiin ka tirsan degmadaasi.

Dilka ayaa loo gaystay guddoomiye waaxeed la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof dumar ah oo la socotay kuwaas oo lagu dhexdilay gaarigooda.

Labadan qof ayaa la sheegay inay olole tallaal ka waden degaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay inay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab

Khasaaraha guud ayaa la sheegay in uu yahay 3 dhimasho iyo 13 dhaawac ah, waxaa intaasi sii dheer guryo badan oo jiingado ka sameysnaa oo burburay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*