Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyay 12 muwaadin Soomaaliyeed oo hore ugu xirnaa xarumo ku yaalla magaalooyinka Khartoum iyo Omdurman ee dalka Sudan.
Muwaadiniintan ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya tahriib sharci-darro ah, waxayna ku xirnaayeen muddo dhowr sano ah ka hor inta aan lagu guuleysan in dib loogu soo celiyo dalkooda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Markii ay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, kuwaas oo u muujiyay taageero, daryeel, iyo soo dhawayn rasmi ah muwaadiniinta dib ugu soo laabtay Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada kale.
Waxaana si gaar ah loogu mahadceliyay Safaaradda JFS ee Suudaan, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), iyo dowladda Suudaan doorkii ay ka qaateen fududeynta sii deynta iyo dib usoo celinta muwaadiniintan.
Ugu dambeyn, Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ayaa ugu baaqday dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan tahriibka sharci-darrada ah, iyagoo ku wargeliyay in khataraha ka imaan kara ay halis weyn ku yihiin noloshooda.








