Home Wararka Maanta 12 Qof oo ku dhintay Dooni ku Degtay Xeebaha Tunisia

12 Qof oo ku dhintay Dooni ku Degtay Xeebaha Tunisia

0

Ugu yaraan 12 qof ayaa dhintay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, 10 kalena waa la la’yahay ka dib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay Isniintii xeebaha dalka Tunisia ee Djerba, xilli ay doonayeen in ay sii maraan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan Yurub.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha ay badbaadiyeen 29 qof oo la socday dooni.

Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dhammaan muhaajiriinta la socday doonida ay ahaayeen dad u dhashay Tunisia iyo labo Morocco u dhashay.

Tunisia ayaa wajahaysa dhibaato dhanka socdaalka ah oo aan horay loo arag, waxayna badashay Liibiya oo noqotay meesha ugu weyn ee ay ka dhoofaan dadka Tuniisiya iyo dadka ka imaanaya Afrikada kale ee nolol dhaanta Yurub u doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here