Home Wararka Caalamka 15 Diyaaradood oo Ciidan Mareykan ah oo ka Duulay Saldhigyada Spain

15 Diyaaradood oo Ciidan Mareykan ah oo ka Duulay Saldhigyada Spain

0
In this undated file photo released by the Taiwan Ministry of Defense, a Chinese PLA J-16 fighter jet flies in an undisclosed location. China sent a record 28 fighter jets, 14 of them J-16s, towards the self-ruled island of Taiwan on Tuesday, June 15, 2021, the island's defense ministry said, the largest such display of force since China started flying planes towards the island last year. (Taiwan Ministry of Defense via AP)

Xog duulimaad oo uu baahiyay bogga “Flight Radar24” shalay Isniintii ayaa muujisay in 15 diyaaradood oo ciidan Mareykan ah ay ka duuleen labada saldhig ee Morón de la Frontera iyo Rota ee koonfurta Isbaanishka, kadib markii Madrid ay diiday in Mareykanku u adeegsado saldhigyadaas fulinta weerarro ka dhan ah Iran.

Sida uu sheegay bogga “Flight Radar24”, 9 diyaaradood oo shidaal ku shuba hawada (air refueling tankers) ayaa ka duulay saldhigga Morón, waxayna ku degeen saldhigga cirka ee Ramstein ee Jarmalka, kaasoo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada cirka Mareykanka ee Yurub.

Boggu sidoo kale wuxuu muujiyay in laba duulimaad oo diyaarado ciidan Mareykan ah ay ka duuleen Rota — oo ah saldhig badeed leh garoon diyaaradeed — kuna sii jeedeen koonfurta Faransiiska. Sidoo kale, 4 duulimaad oo kale ayaa ka kacay saldhigga Rota, hase yeeshee lama shaacin halka ay u socdeen.