Home Wararka Maanta 4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee...

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

0

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg ahna u faafaya, waxaana u dhintay ilaa 4 qof oo laba kamida dumar yihiin, halka ay u jiifaan inta badan dadkii degmadaasi.

Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan.

Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen.

Gudoomiyaha waxa uu yiri “Xanuunkani waa mid aan la aqoonsan oo safmara, oo dadka inta badan ku dhacay, waa qandho daran oo qofkii sanka iyo afka dhiig ka keenayo lafaha xitaa laga qabanayo, waxaana uu waayayaa urkii iyo dhadhankii.

“Xanuunkani sida la caddeeyay ilaa 4 qof ayaa u geeriyooday oo laba kamida dumar yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid.

Guddoomiyaha degmada Raxo Raaxo ayaa sidoo kale sheegay in ay wacyi-gelin ku saabsan xanuunkaasi ka sameeyeen degaanka, sidoo kalena xarumaha caafimadka albaabada loo furay, si loola tacaalo xaaladda dadka uu soo ridanayo xanuunkaasi la garan waayay.