Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Galgaduud (Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Galgaduud (Sawiro)

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal lagu Ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay dhagarta khawaarijta si aysan dhibaato ugu geysan shacabka ku nool deegaanadaas.

Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud,islamarkaana ay weli Ciidanku ku raad-joogaan firxadka nabadiidka.

Previous article
Next articleCiidanka ISRAEL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here