Waxaa saakay oo Khamiis si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaawday doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku tartamayaan musharaxiin ka kala socda 20 Urur siyaasadeed.
Amniga xarumaha iyo goobaha ay ka dhacayaan codbixinta doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay si loo xaqiijiyo nabadgelyada codbixiyeyaasha iyo hanaanka ay u dhaceyso doorashada dadweynaha ee qof iyo codka ah.
Dadweynaha reer Muqdisho ayaa saakay safaf dhaadheer ugu jira dhiibashada codkooda, taasoo muujinaysa xiisaha iyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee markale dib u soo noolaatay mudo ka badan 50 sano kadib.
Ku 10,000 oo askari oo ka kala tirsan ciidamada amniga dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si buuxda u sugaya amaanka, iyagoo heegan buuxa ku jira xasilinta goobaha amniga doorashada.
Madax ka tirsan dowladda Fedaraalka ayaa durbaba dhiibtay codadkooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Jaamac iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir Muungaab.
Masuuliyiinta dhiibtay codadkooda ayaa fariin u diray dadweynaha ka qeyb qaadanaya codbixinta doorashada, iyagoona ku dhiiragaliyay inay ka faa’iideystaan fursadda taariikhiga ah oo ay codkooda dhiibtaan.
Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaa loo arkaa mid ka dhigan waa cusub oo u baryay dadka reer Muqdisho, maadama dalka uu soo maray ku dhawaad 40 sano oo marxalado adag ah.
Dadka Soomaaliyeed ayaa intooda badan rajeynaya in natiijada doorashadani ay horseedi doonto maamulo deegaanka ah oo matala rabitaanka shacabka islamarkaana ka shaqeeya horumar iyo xasilooni waarta.
Ugu dambeyntii sida qorshahu yahay 6:00 maqribnimo ee Caawa ayaa loo qorsheeyay iney soo idlaato codbixinta dadweynaha, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana xusid mudan in doorashadani maanta dhaceysa ay qaadaceen madasha Mucaaradka.
Halkaan kala soco wixii kusoo wararka doorasho.








