Home Wararka Maanta Ciidamada dowladda federaalka ee taliska Abiy Axmed oo toogasho ku dilay dhakhtar...

Ciidamada dowladda federaalka ee taliska Abiy Axmed oo toogasho ku dilay dhakhtar ku taqasuustay maqaarka

0

Ciidamada dowladda federaalka ee taliska Abiy Axmed ayaa toogasho ku dilay dhakhtar ku taqasuustay maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada.

Sidoo kale warbixinada laga helayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in dad gaaraya 50,000 oo qof ay ka barakaceen dagaalo culus oo ka socda waqooyiga dalka Itoobiya oo cagaha la galay dirir sokeeye oo dabadheeraatay.

Dr. Elizabeth Teshome oo aheyd aqoonyahanad mardhaw dhameysay waxabarashada sare ayaa shalay lagu dilay, isla magaalada Debere Markos aagga Gojjam, kadib markii ciidamada maamulka Abiy Axmed ay toogteen.

Bulshada ku nool gobolka Amxaarada oo ka gadooday ayaa ka codsaday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay in baaris lagu sameeyo dilalka iyo tacaddiyada maamulka Abiy Axmed uu ka wado gobalka.

Dhinaca kale, In ka badan 50,000 oo ruux ayaa ku barakacay isku dhacyada ka jira woqooyiga dalka Ethiopia, waxa ayna beesha caalamka ka muuujineysaa walaac xoogan oo ku saabsan rabshadaha ay qeybta ka yihiin dagaalada u dhaxeeya ciidanka iyo dagaal yahano ka soo jeedo gabalada dalkaas.

“Xaalada beni’aadinimo oo aad u daran ayaa jirta, kumanaan haween iyo carruur ayaa u baahan kaalmo deg-deg ah si loo badbaadiyo”, sidaa waxaa tiri Qaramada Midoobey, oo soo xiganeysa mas’uuliyinta deegaannda lagu muran-san yahay ee ay ee kala sheegtaan Tigreega iyo Amxarada ee dalkaasi.

Ciidanka Amxarada ayaa qabsaday Raya Alamata oo dhacda koofurta Tigrey intii uu socday dagaalka labada sano jirsaday ee u dhaxeeya ciidanka maamulka Abiy Axmed ee ay ku qaadeen maamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Ethiopian iyo xaaaladaha beni’aadinimo ayaa keentay in beesha Caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wadahdal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Previous articleXiriir Puntland iyo Dowlada Soomaaliya oo Isbadal Laga Daremaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here