Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay rag maanta lagu toogtay suuqa Bakaaraha

Israsaaseyn kooban oo maanta barqanimadii ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda iyo rag ku hubeysan bastoolado ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay israsaaseyntaasi, oo si gaar ah uga dhacay suuqa Khaliifa ee Bakaaraha.

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo tegay halka ay ka dhacday israsaaseynta ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka amniga ay toogteen laba ruux oo ku hubeysnaa bastoolado.

Waxaa uu sheegay afhayeenka in ciidanka amniga ee ka howl-galayay Suuqa Bakaaraha ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan ragga la dilay, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen, markii dambena la toogtay.

Sidoo kale waxaa uu Saalax Dheexe tilmaamay in ciidanka amniga uu dhaawac kasoo gaaray hal askari oo haatan la dabiibayo, sidoo kale  israsaaseynta uu ku dhintay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadkii ganacsiga ku lahaa halka uu falka ka dhacay.

Ugu dambeyntii afhayeenka gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere ayaa sheegay in ragga la toogtay ay ahayeen kuwo kal hore falal amni darro geystay, isla markaana ay ku raad-joogeen laamaha amniga, wuxuuna u mahadceliyay ciidankii fuliyay howlgalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *