Home Wararka Maanta Khasaare intee le eg ayay Gaysteen Gantaalladaan Iiraan ee ku Habsaday Xeryaha...

Khasaare intee le eg ayay Gaysteen Gantaalladaan Iiraan ee ku Habsaday Xeryaha Ciidamada Israail?

0

Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ayaa duqeymo culus oo isugu jiray gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaaday habeenkii Axad xeryo iyo magaalooyin kuyaalla dhulka Israel maamusho.

Gantaalada Iran ayaa inta badan laga hortagay oo hawada lagu bur buriyay, waxaana jiray tiro gantaalo ah oo ku dhacay gudaha Israa’iil ,gaar ahaan xeryo ay lahaayeen ciidamada cirka ee maamulka Israel.

Sarkaal Maraykan oo qariyay magaciisa lana hadlay Telefishinka ABC News ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 9 kamid ah gantaalada balaastikada Iran ay habeenkii Axadda ku riday Israel ku habsadeen saldhigyo ciiddanka cirka ee Israel leeyihiin.

Waxa uu sheegay sargaalkan in 5 gantaal ku dhaceen saldhiga ciiddanka cirka Israel ee lagu magacaabo The Nevatim Air base oo ku yaalla Lama-degaanka Negev, waxa uuna xusay in gantaaladan khasaare gaarsiiyeen diyaarad milliteri oo nooceedu ahaa C-130 Hercules Cargo Plane.

Sargaalkan Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale laga soo xigtay in gantaalada balaastikada Iran ay waxyeelo soo gaarsiiyeen dhabo diyaaradeed oo aan la isticmaalin iyo bakhaar Kaydka oo faaruq ahaa , waxa uu intaa ku daray in saldhigyo kalana gantaalada ku dhaceen, inkasta uu ka gaabsaday khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Milatariga Israel ayaa dhankooda isku diyaarinaya weerar aargudasho ah ay ku qaadaan dhinaca Israel, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada Bariga Dhaxe ka taagan ay faraha kasii baxdo ayna isku bedesho dagaal toos ah.

Previous articleMaamulka degmada Dangoroyo oo ka hadlay sababaha keenay dab halkaas ka kacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here