Dibedda

Faah-faahin ku aadan qaabkii uu Mareykanka u dilay taliyaha reer Iran oo soo shaac baxday

Saddexdi bishan Janaayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa waxa ay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Baghdad duqeyn ku dileen taliyihii ciidamada Quds ee Iran General Qasem Soleimani iyo afar kale.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu diyaarad caadi oo rakaab ah kasoo raacay caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq, magaciisa kuma xusneyn liiska rakaabka saaran diyaardda oo waa la qarinayay.

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka rag Mareykanka iyo Israel u basaasa oo ku sugnaa gudaha garoonka magaalada Dimishiq ayaa u xaqiijiyay Mareykanka in uu General Qasem Soleimani uu la socdo diyaarad rakaab ah oo ku wajahan magaalada Baghdad.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Baghdad ayaa isu diyaariyay ka takhluusidda generalka, iyagoona diyaarsaday diyaarad nooqa aan duuliyaha laheyn taas oo ay ku rakiban yihiin laba gantaal.

Marki ay magaalada Baghdad soo gaartay diyaaraddi sidday Generalka ayaa waxaa xaqiijin ahaan loogu diray basaasiin kale kuwaas oo soo xaqiijiyay.

Safarka general Qasem Soleimani oo aad loo qarinayay ayaa waxaa garoonka looga soo doonay labo gaari oo caadi oo nooca yar-yar ah kuwaas oo ay wateen madaxda maleeshiyaad ay Iran ka abuurtay gudaha dalka Ciraaq islamarkaana dhawaan qabsaday safaaradda Mareykanka ee Baghdad, wax yar kadibna isaga baxay.

Marki gaariga lagu hubsaday generalka oo ay kaamirooyin kor kala socdeen dhaq-dhaqaaqa generalka ayaa waxaa labo gantaal la beegsaday diyaaraddi duuliyaha aan laheyn ee loo diyaariyay in ay howlgalka fuliso taas oo hawada lasii geliyay.

Si kastaba arrintan ayay Mareykanka ugu fududaatay in uu gacanta ku haayo amniga guud ee hawada Ciraaq iyo kan garoonka kor ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *