Wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Lloyd Austin, oo socdaal aan la sii shaacinin ku tagay magaalada Kabul, ayaa wadahadallo la yeeshay madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Afghanistan ayaa sheegay in ay labada nin isla soo qaadeen walaaca laga qabo qalalaasaha colaadeed ee dalka ku sii kordhay. Waxaanu intaa ku daray in sidoo kale ay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in dalkaasi helo nabad waarta.

Lloyd Austin ayaa hore u beeniyey warar sheegaya in maamulka cusub ee Maraykanku qorshaynayo in uu ciidamadiisa ku sii negeeyo Afghanistan marka la gaadho bisha May oo qorshuhu ahaa inay dalkaa ka baxaan sida uu dhigayey heshiis ay Washington la gashay Taliban sannadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*