Mucjiso! Abrip Asep oo ahaa nin boolis sannadkii 2004-tii, xilligaas oo dalka Indonesia haleelay musiibadii fatahaadda ee Tsunami islamarkaana lagu waayay ayaa 16 sano kadib dib loo helay.

Ninkan ayaa laga dhex helay isbitaal lagu xanaaneeyo dadka maskaxda looga jiro ama waalan oo ku yaal magaalada Banda Aceh , waxaana bar-gartay nin boolis ah oo booqasho ku tagay isbitaalkaas maadaama uusan ogeyn waxa ku dhacay iyo cida uu yahay.

Shan sano kadib musiibada ayay dadka deegaanka Pajar waxa ay arkeen nin “waalan”, laakiin aan dadka dhibaateyneyn balse u baahan dhakhtar, sidaasna lagu geeyay isbitaalka uu ku jiro.

Qoyskiisa oo kasoo jeeday gobolka Lampung ayaa markii ay ka quusteen waxa ay u dhigeen tacsi, aas mac-mal ahna u sameeyeen.

Ninkan ayaa waxaa lala xiriirsiiyay qoyskiisa oo xaqiijiyay in uu wiilkooda yahay, sidaasna loogu wareejiyay.