Dhacdadu waxay ka dhacday xaafadda Hovslätt, oo ay ku yaallaan guryo isku dhafan. Booliiska ayaa warka helay abbaaro 23:30 habeenimo.
Laba nin iyo haweeney, dhammaantood ku dhow da’da 35 sano, ayaa ambalaas loogu qaaday isbitaalka.
Sida ay qortay Aftonbladet, mid ka mid ah ragga ayaa waxaa haleelay rasaas, waxaana sidoo kale suuragal ah inuu dhaawac mindi ah qabay. Xaaladdiisa ayaa lagu sheegay mid halis ah.
Booliisku waxay xireen ninka kale, iyagoo uga shakisan inuu watay hubka loo adeegsaday dhacdada. Waxaa lagu tuhunsan yahay isku day dil iyo dambi hub oo culus.
Ninka la tuhunsan yahay ayaa isaguna qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo booliisku sheegeen inay u badan tahay inay ka dhasheen mindi.
Haweeneyda ayaa iyaduna dhaawac fudud soo gaadhay, hase yeeshee weli si cad looma shaacin nooca dhaawaceeda.
Booliisku waxay sii wadaan baaritaanka dhacdada.








