Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti. Wasiirka arimaha gudaha, Muumim Axmed Sheekh, oo goor dambe oo xalay ah shaaciyay natiijada hordhaca ah ayaa sheegay in Ismaaciil uu helay in ka badan 98% codadkii la dhiibtay.

Sakariya Ismaaciil Faarax oo ah murrashaxa qura ee la tartamayay Geelle ayaa helay wax ka yar 2%.

Shalay waxa uu diiday inuu codkiisa dhiibto, isagoo ku eedeeyay dowladda inay horjoogsatay korjoogayaashiisa tegi lahaa goobaha codbixinta arintaas oo ay beenisay xukuumadda.

Horay waxaa doorashada u qaadacay xisbiyada mucaaradka oo sheegay in aanay ku dhacayn jawi xor iyo xalaal ah. Ismaaciil Cumar ayaa xilka hayay tan iyo May 1999.

Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*