Sida ay qorayaan saakay jaraaidada The Athletic, The Telegraph iyo The Independent waxaa shaqadii tababarnimo ee kooxda Tottenham laga eryay José Mourinho. Sidoo kale warkan ayaa qaxaa shir jaraaid ku xaqiijiyay madaxda sare ee naadiga Tottenham.

Tababare Jose oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Bortuqaal ayaa waxa uu kooxda Tottenham oo ka dhisan dalka Ingriiska uu soo hoggaaminayay tan iyo sannadkii 2019-ka.

Tottenham ayaa waxaa ay kaalinta 7.- kaga jirtaa horyaalka Premier League.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale tababare usoo noqday kooxaha Benfica (2000), União de Leiria (2001-2002), Porto (2002-2004), Chelsea (2004-2007), Inter (2008-2010), Real Madrid (2010-2013), Chelsea (2013-2015), Manchester United (2016-2018), Tottenham (2019-2021).

Maamulka Tottenham ma aysan sheegin sababta ay isaga ceyriyeen, walow loo badinayo hoos-u-dhac ku yimid kooxda-