Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhaweyd lagu garaacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheer ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhawaw Godka Jilicow, sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale mid ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay meel ku dhow darbiga madaxtooyada Soomaaliya.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya, 9-kii March 2021.