Home Wararka Maanta Wararka Koonfur Galbeed War Deg Deg Ah:- Dagaal Culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo

War Deg Deg Ah:- Dagaal Culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo

0

 

Dagaal Culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo

Cabirka Farta
0:00

1:52

Dagaal Culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo

Isniin, Maarso 30, 2026 (HOL) – Wararka hordhaca ah ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ka qarxay gudaha magaalada, gaar ahaan agagaarka suuqa xoolaha.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamo isku magacaabay “Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed” oo ay taageerayaan qaar ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyo ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Taliska ciidanka mucaaradka ayaa sheegay in cutubyadooda ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo kadib markii ay jebiyeen difaacii ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Taliskaan Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa hadalkoodi ku daray in howlgalkoodu aanu beegsan doonin xarumaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed, maadaama halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in ciidankoodu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhinaca dowladda Federaalka, isagoo xusay in ciidamadii soo weeraray la jebiyey islamarkaana aysan wax guul ah gaarin.

Sidoo kale, Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Baydhabo inay feejignaadaan, isla markaana ay soo dhaweeyaan ciidanka dowladda Federaalka ee la sheegay inay ku sugan yihiin duleedka magaalada.

Wararka kale ee laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shacabka ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo raadinaya meelo ammaan ah, kadib markii rasaas culus laga maqlay xaafado kala duwan.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana si joogto ah loo maqlayaa jugta hubka culus.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan dhinacyada ku lugta leh.