Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa digniin kasoo saaray markab saliid sida oo in ka badan 30 sano dhex yaal badda Yemen kaas oo ay sheegeen in xilli kasta uu iminka qarxi karo.

Markabkan oo lagu magacaabo FSO SaferĀ islamarkaana la dhisay 1976-kii ayaa sannadkii 1988 looga tagat dekedda magaalada Hodeida, isaga oo ay saaran tahay in la badan 1-milyan oo fuusto shidaal ka buuxaan.

Golaha Amaanka ayaa horay uga codsaday kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa magaaladaasi in ay u fududeeyaan baarayaasha Qaramada Midoobay, balse waa ay ka diideen, waxaana ay iminka u dirayaan codsi cusub.

Waxaa laga cabsi qabaa in markabkaasi qarxo islamarkaana geysto musiibo isugu jirta dhan dhaqaaye, sumeynta bey`ada iyo biyaha badda iyo ciriiri ka dhasha isu-socodka maraakiibta ee biyahaasi.

Saliidda saaran markan kaasi ayaa lagu qiyaasay lacagteeda in ka badan Ā 40 milyan oo dollar.