Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa ku dhawaaqay xiddiga uu tababare Southgate kusoo daray xulka ee beddelay Trent Alexander-Arnold oo ku dhaawacmay ciyaartii saaxiibtinimo ee Arbacadii ay la dheeleen Austria.

Southgate ayaa hore u sheegay in uu isbeddelka xulka  qarankiisa shaacin doono kaddib kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay la dheeleen Romania, waxaana kaliya laga sugayay in uu soo saaro ciyaartoyga beddelaya Alexander-Arnold maadaama uu Jordan Henderson taam yahay oo uu saftay kulankii xalay iyo Harry Maguire oo dib u bilaabay orodka.

Kulankii Axaddii waxa difaaca dhexe ka ciyaaray Ben White oo wacdaro dhigay, waxaana intii aanay ciyaartu dhamaaninba lasii saadaaliyey in uu laacibkani noqonayo midka beddeli doona Trent Alexander-Arnold, isla markaana uu xoojin doono difaaca dhexe maadaama baasha midig ee difaaca  ay marka horeba joogeen Kyle Walker, Reece James iyo Kieran Trippier, isla markaana aan loo baahnayn in laacibiin cusub lagu soo kordhiyo.

Labada xiddig ee uu Gareth Southgate kala dooranayay inuu midkood kusoo daro xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa kala ahaa Ben White iyo Ward-Prowsen oo isaguna xalay khadka dhexe ka ciyaaray.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa laug sheegay, in difaaca Brighton & Hove Albion ee Ben White uu ka mid noqday 26ka ciyaartoy ee xulka Ingiriiska uga qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya.

Laacibkan ayaa xidhan doona lambarkii hore loogu qoondeeyey Alexander-Arnold oo dhaawac ku seegaya tartankan.

Halkan kaga bogo lambaradda ciyaartoyda xulka qaranka England

1. Jordan Pickford

2. Kyle Walker

3. Luke Shaw

4. Declan Rice

5. John Stones

6. Harry Maguire

7. Jack Grealish

8. Jordan Henderson

9. Harry Kane

10. Raheem Sterling

11. Marcus Rashford

12. Kieran Trippier

13. Dean Henderson

14. Kalvin Phillips

15. Tyrone Mings

16. Conor Coady

17. Jadon Sancho

18. Dominic Calvert-Lewin

19. Mason Mount

20. Phil Foden

21. Ben Chilwell

22. Ben White

23. Sam Johnstone

24. Reece James

25. Bukayo Saka

26. Jude Bellingham