Shirkadda macdanta baarta ee lagu magacaabo Debswana ayaa shalay oo Arbaca aheyd soo bandhigtay dheemankii saddexaad ee ugu weynaa dunida ee la helo kaas oo culeyskiisu yahay 1098 karat.

Bandhiggan ayaa lagu maamuusay madaxweynaha dalkaasi Mokgweetsi Masisi, waxaana sida ay shirkaddu shaacisay laga helay dheemankaasi deegaanka Jwaneng ee dalkaasi Botswana.

Cabirka dheemanka ayaa lagu sheegay  7,3 cm dherer, 5,3 cm balac iyo 2,7 cm dhu-dhun.

Waxaa ka weyn sida taariikhda ku xusan dheemada kala ah  «Cullinan» oo culeyskiisa lagu sheegay 3036 karat, lagana helay Koonfur-Afrika sannadkii 1905, iyo «Lesedi La Rona» oo iska culeyskiisu yahay 1109 karat, lagana helay dalka Botswana sannadkii 2015.

Dalka Botswana, waa dalka ugu weyn ee dheemanka ka ganacsada Afrika, waxaana uu ku tiirsan yahay ganacsiga dheemankaasi ee shirkadda Debswana, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Al-Jazeera.

Wasiirka macdanta dalkaasi Lefoko Moagi  ayaa sheegay in helidda dheemankan uu kusoo aaday xilli munaasib ah oo dhaqaalaha dalkaasi uu la dagay cudurka coronavirus ama COVID-19.

“- Debswana iyo dowladdu waxa ay ka wada-shaqeyn doonaan sidii beec loogu dajin lahaa dheemankan islamarkaana loo suuq-geyn lahaa si dib loogu soo celiyo faa`iidada shacabka“, sidaa waxaa yiri sarkaal u hadlay shirkadda Debswana.