Sida ay qorayaan warbaahinta Danmark waxaa isbitaalka Rigshospitalet kasoo baxay ciyaaryahan Christian Eriksen kaas oo dhawaan uu wadnuhu ku dhex istaagay garoonka dhexdiisa xilli uu xulkiisa qaranka la ciyaarayay kan Finland, isreeb-reebka koobka Euro 2020.

Ciyaaryahanka ayaa toos u booqday ciyaaryahannada xulkiisa qaranka, kadib markii uu kasoo baxay isbitaalka.

” – Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko asxaabteyda mar kale xilli ay xalay muujiyeen ciyaarwanaag guul ku dhamaatay”, ayuu yiri Christian Eriksen.

Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta dalka Danmark oo ay ku faafiyeen barta twitter-ka ayaa ayaa waxaa lagu yiri:

” – Christian Eriksen waxa uu maray qalliin lagu guuleystay, waxaana uu maanta ka baxay isbitaalka. Waxaa uu ku booqday xulka qaranka magaalada Helsingør. Waxa uu dabadeed waqti la qaadan doonaa qoyskiisa”.

Sidoo kale xiriirka ayaa ka mahadceliyay “la qeybsashada xanuun” ee loo muujiyay.

Ma cadda wali xaaladda mustaqbalka kubadeed ee ciyaaryahan Christian Eriksen.