Shacabka waddanka Ethiopia ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi, waxaana doorashadan oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadkii hore ku yimid dib u dhac sababo ay dowladdu ku sheegtay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Doorashadan ayaa ka dhacaysa inta badan dowlad-deegaannada dalkaasi marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo iyo qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah.

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda uu hogaamiyo ra’iisulwasaare Abiy Axmed ay wajahayso cadaadis caalami ah oo ku aadan sida ay u maareysay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray iyo musiibada bini`aadanimo ee dagaalku keenay.