Maamulka kooxda Manchester City ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ku dooneyso in ay kula soo wareegto lacag gaareysa 100 milyan oo giniga istarliinka ah (Pound) ciyaaryahanka reer Tottenham Harry Kane.

Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha Ingriiska sida Sky Sports iyo The Guardian, Manchester ayaa rabitaankeeda gaarsiisay Tottenham, balse wali go`aan meysan qaadan.

Looma maleynayo in Tottenham wareejin doonto Kane, balse waxaa la hadal-hayaa in guddoomiyaha kooxa Daniel Levys uu qorsheynayo in uu sii haysto naa xilli-ciyaareedka sannadka dambe.

27-jirkaan Kane ah ayaa goolashii ugu badnaa dhaliyay xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Premier League, waxaana uu dhaliyay 23-gool.

Warbaahin badan ayaa sheegay in ciyaaryahankan uu ku wargeliyay maamulka kooxda Tottenham in uu ka tagi doono kuleylahan.