Ninkii booliska hore ahaa ee tunka uga istaagay ilaa uu ka dhinto ninkii madoobaa ee lagu magacaabay George Floyd magaalada Minneapolis ee dalkaasi Mareykanka sannadkii hore ayaa waxaa lagu xukumay 22,5 sano oo xabsi ah.

 Derek Chauvin oo ninkan lagu magacaabo ayaa 25. mai ee sannadkii hore muddo 9 daqiiqo ah uga taagnaa Floyd tunka, kadib markii looga shakiyay in uu dukaan ku siray 20 dollar oo faalso ah.

21-kii bisha April ee sannadkan ayaa ayay aheyd markii laxkamad ay ku heshay Derek dambiga dilka, balse waxaa dib loo dhigay ku dhawaaqista go`aanka kamadambeysta ah ee xukunkiisa.

Qareenka dowladda ayaa isagu dalbaday in ninkani lagu xukumo 30 sano oo xabsi ah maadaama uu adeegsaday awood dheeri ah isagoo isticmaalaya shaar boolis.

Guud ahaan afar boolis ah ayaa ka qeyb-qaatay dilka Floyd, kulligoodna waa laga wada eryay shaqada booliska.

Saddexda kale xukumadooda ayaa dib loo dhigay.