Maxkamadda Ciidamada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay falal aragagixisonimo ah, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee Puntland.

Laba eedeysan ayaa iyagana lagu toogtay magaalada Garoowe, halka mid kale isna lagu toogtay magaalada Qardho, taas oo isugeyn wadarta guud ka dhigeysa 21.

Labo todobaad kahor ayay aheyd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka, waxaana guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu warbaahinta u sheegay in markii ay go’aankan maxkamaddu ridday uu ahaa mid caddaalad ah.