Cyaaryahanka caanka ah ee reer Argentiin Lionel Messi ayaa ka dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Barcelona hebeenkii xalay ahaa ee Khamiistu soo galeysa, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in laacib Messi uu iminka taagan tahay meel cidmo ah ama koox la`aan. 

Sida ay qortay BBC Sport, ciyaaryahanka ayaa wadahadal heshiis cusub ah kula kira isla Barcelona, llaakiin wali ma cadda in ay sii wada joogi doonaan.

Weeraryahankan ayaa horay loola xiriiriyay kooxaha Paris St-Germain iyo Manchester City, laakiin iminka waxa uu qarankiisa Argentina ugu matalayaa koobta Copa America.