Naadiga kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa ciyaaryahan Jadon Sancho.

Bayaan ka soo baxay Kooxda ku ciyaarta garoonta Old Trafford ayaa lagu xaqiijiyey la soo wareegista xiddiga reer England ee Jadon Sancho.

Kooxda Man Utd bayaanka ka soo baxay ayaa ku dhignaa: “Manchester United waxa ay ku farraxsan tahay inay ku dhawaaqdo inay heshiis kala gaartay Borussia Dortmund saxiixa Jadon Sancho.

“Saxiixu waxa uu ku xiran yahay heshiisyada qandaraaska iyo tijaabada caafimaadka oo la dhameystiri doono kaddib markii Jadon ka soo laabto tartanka Koobka qarammada Yurub ee UEFA European Championship.”