Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab Badan oo lagu laayay Galmudug

Alshabaab Badan oo lagu laayay Galmudug

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tiro kabadan 30 Alshabaab ah lagu dilay howlagal milateri oo ay iska kaashadeen ciidanka qalabka sida iyo saaxibada caalamiga ah kaas oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km waqooyi bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa U Qornaa Sidaan:

Muqdisho, 24 April, 2024: In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal milateri oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arrimood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen.

Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.

 

Previous articleTaliyaha Saldhiga Garoonka adan cade oo Amar lagu Bixiyay in lasoo xiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here