Kooxda ka dhisan dalka Fransiiska ee Paris Saint-Germain (PSG) ayaa ku shaacisay boggeeda internet-ka in ay lasoo wareegtay ciyaaryahanka caanka ah ergio Ramos.

35 jirkan reer Spain ayaa saxeexay heshiis laba sannadood ah, kaas oo soo afjaray 16 sannadood oo uu u ciyaarayay kooxda Real Madrid.

Ramos ayaa labada sannadood ee soo socda waxa uu ka garab ciyaari doonaa Marquinhos, halka ay midoobi doonaan Neymar Jr oo waqtiyada qaarkood ay si weyn iskaga soo horjeedeen maadaama uu laacibka reer Brazil u ciyaari jiray Barcelona.

Ciyaaryahankan ayaa qaadan doona maaliyadda nambarkeedu yahay 4.

Ramos ayaa usoo ciyaaray kooxda Barcelona muddo16 sano ah, waxaana uu u dheelay 671 ciyaarood, isagoona u dhaliyay 101 gool.