Waxaa la soo gaba-gabeeyay doorashadii kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqaooyi ee Somaliland, kadib markii shan ka mid ah Khamiista maanta ah la qabtay doorashadooda.

Saciid Cabdi Xasan Cowke ayaa noqday Senator-ka toddobaad ee la doortay, kaddib markii uu u tanaasulay Jaamac Cabdullaahi oo la tartamayay.

Senator Muna Cumar Xasan ayaa lumisay kursigeedii markii ay heshay 13 cod, waxaana kursigaas ku guuleysatay Naciima Xasan Xaaji oo heshay 30 cod.

Deeqa Xasan Xuseen ayaa iyana mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare, halka labada kursi ee kalana ay ku kala guuleysteen Axmed Maxamed Siciid iyo Axmed Maxamed Ibraahim (Abwaan Qorane).

Sawirrada xubnaha maanta guuleystay

Xubnihii shalay la doortay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaji Cabdullaahi, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay soo gabagabowday doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo qabsoontay muddo laba maalmood ah.

Doorashadan ayaa in muddo ah u waxaa qabashadeeda ka taagnaa is-mariwaa u dhexeeyay laba garab oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuled, iyadoo horraantii bishan ay ugu dambeyntii ku heshiiyeen hirgalinteeda.