Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Abiya Axmed oo ka Ka labanaaya Heshiiskii uu la Galay Muuse biixi...

Abiya Axmed oo ka Ka labanaaya Heshiiskii uu la Galay Muuse biixi iyo Ka hor kulanka Xasan Shiikh

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan lagu wado inuu maanta ka dhaco Turkiga, kaas oo lagu dhammeystirayo dadaalladii dhexdhexaadinta ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida aan ka soo xiganay ilo-wareed lagu kalsoonaan karo, kulankan ayaa ka dhashay dalab uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku weydiistay Madaxweynaha Turkiga inuu ka caawiyo soo-afjaridda xiisadda sannad-jirka ku dhaw ee ka dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku billaaban doona qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan Madaxweyne Erdogan oo isna u gogolxaari doona isku-soo-dhawaasho horseedi karta in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu si buuxda uga tanaasulo damacisii ku riixayay heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa waxaa lagu warramayaa in uu ku taagan yahay go’aankii ay dawladdiisu hore u shaacisay oo madallo iyo munaasabado badanna ku soo difaacday, kaas oo ahaa in aanan Itoobiya laga qaadanayn wax ka yar in ay ka laabato heshiiskii MOU-ga ee lagu sheegay isku-dayga dhul-boobka iyo ku-xadgudubka madaxbannaanida Soomaaliya.

Xeeldheerayaasha diblumaasiyadda ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qayb ka tahay go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu magac cusub ku howlgalayo.