Home Wararka Maanta Abubakar Bashiir oo Xil sare loo Magacaabay

Abubakar Bashiir oo Xil sare loo Magacaabay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa xalay xil sare u magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed.

Abuubakar Bashiir ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka dalalka Carabaha ay Soomaaliya la leedahay, maadaama ay qeyb ka tahay ururo badan oo Carbeed, islamarkaana xiriir diblumaasiyadeed fiican la leedahay dalal Carbeed oo siyaasasad ahaan aad u kala fog.