Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Qabsaday Dagaal qaraar Kadib Qabsaday Dhowr Magaalo oo ka Tirsan...

Alshabaab oo Qabsaday Dagaal qaraar Kadib Qabsaday Dhowr Magaalo oo ka Tirsan Shabeelada Dhexe

0

Alshabaab Xalay Saqdhexe Dagaal Dhowr jiha ku qaaday Gobalka Shabeelada Dhexe Gaar ahaan Deegaanka Iyo Difaacyada Laga ilaaliyo Degmada aadan yabaal oo laba sana ka hor laga saaray Alshabaab.

Alshabaab ayaa Sidoo kale Weerar Culus ku Qaaday Degaanka Daarunimca si aysan Ciidamada Halkaas ku sugnaa ugu Gurmadin Degaanka Cali axmed Dagaal qaraar ku qaadeen Alshabaab.

Alshabaab ayaana Durbaba La wareegay Degaanka Daarunimca oo ay ka saareen Macawislaydii ku sugnaayd degaanka Daarunimca Alshabaab ayaa Xalay Saqdhexe Weeraro Lama Filaan ah.

Dagaalka kasocda Degaanka Cali axmed ayaa La sheegay inuu Waqti dheer Socdo Ciidamada Doelada Iyo Macawislayda dagaalamaysa ayayna aad u adagtahay inay gaaraan Gurmadyo madaama Alshabaab Xireen Goobihii Gurmadka uga Imaan lahaa.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa Qabsaday Degaanka Cali Fooldheere oo Hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelada Dhexe Kaas oo ay kula Dagalaameen Macwislaydii Halkaas Ku sugnayd.

Alshabaab oo Degaano badan oo ka Tirsan Hiraan laga Soo saaray ayaa Saakay Cagta Mariyay Goobo iyo Deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Dhexe Waa Dagaalkii Ugu Culsaa oo Kooxda Alshabaab Mudo Dheer kadib kusoo qaadaan Gobalka Shabeelada Dhexe.