Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo Dalacsiiyay Saraal diiday inuu Afgambiyo Maamulkiisa (Sawiro)

Axmed Madoobe oo Dalacsiiyay Saraal diiday inuu Afgambiyo Maamulkiisa (Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta darajada Gaashaanle u dalacsiiyay Taliyahii aaga Waqooyi ee magaalada Kismaayo Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan oo loo yaqaano Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu dalacsiinta ku muteystay, kadib markii uu dhawaan iska diiday inuu qaato lacag gaareysay 90.000 kun oo doolar ah oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayay in uu taliyahaan afgambiyo Jubbaland.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubaland u dalacsiiyay darajada gaashaanle” ayaa lau yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka reer Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.
Si kastaba ha ahaatee wixii ka dambeeyay 25-ki Novembar waxaa cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo maamulka Jubbaland, waxaana khilaafkaasi uu gaaray heerkii ugu dambeeyay oo ah inuu labada dhinac Raaskambooni ku dhexmaray dagaal sababay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here