Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Axmed Madoobe oo Qaaday Talaabo uu kaga Hortagaayo Dulaanka Dowlada ee Gobalka...

Axmed Madoobe oo Qaaday Talaabo uu kaga Hortagaayo Dulaanka Dowlada ee Gobalka Gedo

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka Gedo, oo mar kale laga dareemay dhaq-dhaqaaq ay ka waddo dowladda.

Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolkan, kadib digreeto uu soo saaray, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaqa dowladda.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo beddalaya Cabdullaahi Shimbir oo hadda ah guddoomiyaha gobolka, balse ka horyimid Axmed Madoobe, toosna ula safray dowladda dhexe.

Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda Gedo ka abaabuleyso dhaq-dhaqaaqo ciidan, si meesha looga saaro maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in maalmaha soo socda sidoo kale ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka, kuwaas oo bilaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrimahan ay kusoo beegmayaan kadib markii lagu kala baxay dagaalkii Raaskambooni oo ay ku adkaatay Jubbaland, kadib markii hal maalin lagu soo afjaray ciidamadii la geeyay halkaasi.