Home Wararka Maanta Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay Cabdi Oog Maxamed oo xalay dil...

Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay Cabdi Oog Maxamed oo xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

0

Ciidamada booliiska maamulka Khaatumo State ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu dil geestay.

Howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen magaalada Laascaanood ayey kusoo qabteen Gacankudhiigle Cabdi Oog Maxamed Abokor, kaa oo ku eedeysan uu dilay marxuum Cabdiraxmaan Cawil Daahir.

Ninkan dilka geestay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka, waxaana xog booliiska siiyeen shacabka magaalada horseeday in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglaha.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay ayna horgeenayaan caddaaladda, waxa ayna xuseen in Laascaanood ka dhamaatay in uu baxsado qofkii dil geesta.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhowr dil oo ka dhacay gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay, waxaana qaar kamid ah dadkii dilalkaasi geestay lagu xukumo xukunno dil ah.

Previous articleMagaalada Mareykanka ku taalla ee marka aad tagto dareemeyso inaad joogto dal Muslim ah
Next articleQabuuraha Iskuul Bolisiyo oo Dadkii ku aasnaa Laga Saaraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here